Askari ka tirsan ciidamada AMISOM oo mar kale isku dilay xarunta Xalane

Sarkaal ka tirsan ciiddanka difaaca Uganda ee UPDF ayaa is-dilay, ka dib markii uu toogtay askari kale oo saaxiibkiisa ahaa sida lagu daabacay Wargeyska The Observer ee ka soo baxa magaaladda Kampala.

Sarkaalkaasi oo aan weli magaciisa la shaacinin ayaa la sheegay inuu isku dilay qorigii uu watay, kadib, markii uu saaxiibkiisa u toogtay sababo aan weli la ogeyn.

Afhayeenka ciidanka Uganda Richard Karemire ayaa xaqiijiyey dhacdadan inkastoo uu diiday inuu faahfaahin dheeraad ah bixiyo, isagoo xusay in la baarayo sida ay wax u dhaceen.

Falalka isdilka ee ciiddanka Uganda isku dilaan ama ay ku dilaan dadka rayidka ah ayaa mudooyinkan soo badanayey.

13kii bishii hore ee May ayey aheyd markii sidan oo kale Askar ka wada tirsanaa ciidanka Ugandha ee ka tirsan AMISOM ay isku dileen xarunta Xalane.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -