Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Ilyaas Lugatoor oo xariga ka jaray laami qurux badan oo laga dhisay..

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta daah-furay wejiga 1-aad ee dhismaha Wadada Birta-dheer iyo Xaar-xaar, oo 5-tii KM ee u horeysay la dhamaystiray.

Dhismaha wadadan ayaa lagu dhisayaa Barnaamijka Dowladda ee iskutashiga iyada oo kharashkeedana laga bixinayo qasnada Dowladda Puntland taas oo muujinaysa sida ay dowladdu uga go’an tahay in Cashuurtii Shacabka laga qaaday dib loogu dhisayo Dalka.

Mashruuca wadada waxa fullinaysa Shirkadda Wadaniga ah ee Kebarco Construction oo kaashanaysa Hay’adda Waddooyinka Puntland ee (PHA) iyo Wasaaradda Howlaha Guud, waxaana uu qorshuhu yahay in la dhameystiro in ka badan 40KM oo dhexaysa deegaannada Birta-dheer iyo Xaar-xaar ee Gobolka Nugaal. Tani waxay qeyb ka tahay dayactirka iyo dib u dhiska Wadada Garoowe-Gaalkacyo.

Daahfurka waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku weheliyey Wasiirka Howlaha guud iyo Gaadiidka, Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Ku-simaha Wasiirka ahna Ku-xigeenka Maaliyadda, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Guddoomiye ku xigeenka Degmada Garoowe, guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Waddooyinka, Masuuliyiinta Shirkada Kebarco, Maamulka Deegaanka Birta Dheer, Nabadoono iyo masuuliyiin kale.

Related posts

Nin Ganacsade caan ahaa dil u geestay oo Maxkamad la horgeeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

”Sawirro”Ciidanka dowladda oo soo bandhigay Cali Dheere iyo nin kale oo la socday oo…

Cabdi Cade

Masuuliyiin ka tirsan Somaliland iyo shacab ku wada ciiday Hargeysa (Sawirro)

Caydiid Ali