Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Israel oo War ka soo saartay samafalayaashii ciidankeedu ku laayeen Gaza

Afhayeen u hadlay ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa Talaadadii sheegay in waddanku uu qaadayo mas’uuliyadda khaladaadkiisa, isaga oo tixraacaya dilka toddoba ka mid ah shaqaalaha gargaarka oo lagu dilay bartamaha Gaza.

Tal Heinrich ayaa xusay in Israa’iil ay wali sugayso natiijada baaritaanka dilka.

“Marka ay Israa’iil sameyso khaladaad, xitaa kuwa ugu murugada badan ee ay qirato, waxaan qaadnaa mas’uuliyadda,” ayuu u sheegay CNN-ka Erin Burnett.

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Israel Lt. Gen. Herzi Halevi ayaa raali galin ka bixiyay duqeymaha cirka ee lagu dilay 7 ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee Gaza, isagoo ku tilmaamay “khalad ka dhashay xog qaldan oo la siiyey ciidamada.” Waxa uu sheegay in la baarayo dhacdadii dhimashada lahayd.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu aad uga carooday dilka shaqaalaha gargaarka bini’aadantinimo, isaga oo intaa ku daray in Israa’iil aysan samayn wax ku filan oo ay ku difaacdo dadka rayidka ah.

Related posts

Xildhibaan dowladda ka codsatay in ay la raadiyaan Darawalkii Farmaajo oo la waayay

Cabdi Cade

Dhalinyarada Muqdisho Maxay ku tilmaamayn Musharax Madaxwayne Xasan Cali Khayre (Wanaag Masa Xumaan)

admin

Madaxweyne Xasan oo u mahadceliyay Masuuliyiin katirsan Bangida Adduunka iyo IMF

Cabdi Cade
Taboola Ads ---