Janaraal Odawaa oo shaaciyay tirada Dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo ay dileen

Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgalo qorsheesan ka fuliyay deegaano hoostaga magaalooyinka Jowhar iyo Raaga Ceelle ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Ciidamada milatariga ayaana weeraro ku qaaday deegaano ay joogeen Al Shabaab oo hoostaga degmooyinka Raaga Ceelle iyo Jowhar, waxa ayna ciidamada howlgalka ku dileen dagaalyahano katirsan Al Shabaab sida uu sheegay taliyaha ciidanka xooga dalka.

Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta dowlada ayaa sheegay in ciidamada dowlada howlgal ay ka fuliyeen  Degaanka Gal-labashiir ku dileen 15-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab kuwa kalana ku dhaawaceen.

Waxa uu sheegay taliyaha ciidanka xooga Soomaaliyeed howlgalka ka socda gobolka Shabeelaha Dhaxe uu yahay mid qorsheesan ay ku doonayaan in lagu cirib tiro dagaalyahanada Al Shabaab ee jooga deegaano katirsan gobolkaasi.

Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaana maalmihii lasoo dhaafay howlgal qorsheesan ka waday deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe gaar ahaan deegaano Al Shabaab saldhigyo ku lahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -