Rooble oo cadaadis xooggan ku haya Doorashada  kursiga uu rabo Fahad Yaasiin

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa dhawwaan lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada kuraas katirsan kuwa gollaha shacabka , waxaana kuraasta qaar tartankooda ka taagan muran xooggan.

Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ahna ninka ugu awoodda iyo saameynta badan dowladda federaalka ayaa kursiga xildhibaanimo uu doonayo waxa uu yaalaa magaalada Baladweyne, halkasa uu doonayo in uu uga soo qaato xoog iyo xeyladba.

Warar hoose oo la helayo ayaa sheegaya in Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble doonayo in doorashada kursiga uu hada ku fadhiyo Xildhibaan Faarax C/Qaadir uuna doonayo Fahad Yaasiin dib loo dhigo .

Rooble ayaana wararku sheegayaan in guddiga doorashada ku cadaadinayo in dib u dhigaan doorashada kursiga HOPO86 uu u sharaxan yahay Fahad Yaasiin si loo xaliyo khilaafka ka taagan kursigan.

Guddiga doorashada Hirshabelle uu saameyn badan ku leeyahay Fahad Yaasiin ayaana la ogeyn in ay aqbaleyn iyo in kale codsiga Ra’isul wasaaraha ee ku aadan in dib u dhigaan dooarshada kursigan Fahad Yaasiin ka dhigan rabo xasaanada.

Waxaana warar soo baxaya sheegeen in guddiga doorashada Hirshabelle iska diideen cadaadiska Ra’isul Wasaare Rooble, iyagoona ku adkeesanaya qabashada doorashada kursigan uu doonayo Fahad Yaasiin.

Doorashada kursiga HO086 oo leedahay beesha Reer Ow-Xasan ayaa ah mid si gaar ah loogu xiray Fahad Yaasiin , waxaana dalka ka maqan loona ogoleyn u tartamida kursiga xildhibaanka hada ku fadhiya ee Faarax Sheekh Cabduqaadir.

Ra’isul Wasaare Rooble oo khilaaf xooggan kala dhaxeeyo Farmaajo iyo Fahad ayaa wararku sheegayaan in uu isku dayayo in Fahad  kursigan dhaafiyo, inkastoo la tilmaamayo in ay adkana doonto in Fahad Xildhibaanimo waayo maadaama Hirshabelle gacantiisa ku jirto.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in Fahad Yaasiin oo hada inta badan xildhibaanada la dooranayo soo saaraya aysan suurto gal aheyn in isaga waayo kursiga uu u tartamayo uuna qaadayo tallaabo walbo uu kursigaasi ku heli karo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -