Allbanaadir.com
NEWS

Nin lagu eedeeyay in xalay uu dilay Nabadoon Xasan Cali Muude oo si deg deg ah loo toogtay

Rag hubeysan ayaa xalay tuulo kutaalla duleedka magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle ku dilay nabadoon caan ka ahaa magaaladaasi oo lagu magacaabayay Xasan Cali Muude.

Dilka nabadoonka kaddib ayaa la sheegay in koox maleeshiyaad hubeysan oo ku heyb ah nabadoonka la dilay sameeyeen howlgal deg deg ah, waxa ayna kooxdaasi soo qabteen labo nin oo lagu eedeeyay dilka nabadoonka.

Maleeshiyaadka hubeysan ayaana labada nin ay soo qabteen wareysi ay ka qaadeen kaddib mid kamid ah raggaasi isla goobta ku toogtay, waxaana muuqaal la duubayay laga arkayay maleeshiyaadka oo rasaas xooggan huwinaya ninka dilka lagu eedeeyay oo isna dhintay.

Dilka nabadoonka loo geestay ayaa la sheegay in uu salka ku hayay colaad beeleed ka taagneed tuulooyin hoostaga magaalada Jowhar, waxaana nabadoonka la dilay u baxay xal u helida colaad beeleedka taagnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Bangiga Amal oo Barnaamij cusub usoo bandhigay Ganacsatada Suuq Bacaad (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Trump Oo U Hanjabay Dalalka Kula Tartamaya Mareykanka Martigelinta Koobka Adduunka sanadka 2026

Cabdi Cade

Majaajiliiste aan laheyn khibrad Siyaasadeed oo ku guuleystay doorasho Madaxweyne

Caydiid Ali
Taboola Ads ---