Allbanaadir.com
NEWS

Xarunta Baarlamaanka dalka Norwey oo khatar Amni loo xiray iyo baaritaano socda

Xarunta Baarlamaanka dalka Norwey ayaa si deg deg ah loo xiray, kaddib markii ay soo shaac baxeen warar la xariira in bambaanooyin la dhigay xaruntaasi, waxaana xarunta laga saaray dadkii ku sugnaa si loo baaro.

Xildhibaanada Baarlamaanka Norwey iyo shaqaalaha kale ayaana lagu war-galiyay in aysan xarunta aysan soo gelin ayna jiraan khataro amni, waxaana xarunta aageeda buux dhaafiyay ciidamada ammaanka.

Ciidamada booliiska ayaana xiray aaga ay kutaallo xarunta Baralamaanka dalka Norwey, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen baaritaano la xariira khatarta amni ee lasoo wariyay ee la xariira in bambaanooyin la dhigay xarunta.

Sargaal katirsan booliiska Norwey oo lagu magacaabo Gabriel Langfeldt, ayaa sheegay inay heleen fariin ku aadan khatar bam oo la dhigay dhismaha Baarlamaanka  Norwey ee loo yaqaano The Storting.

Booliiska wali ma shaacin in babooyin ka heleen xarunta Baarlamaanka ee khatarta amni laga soo sheegay, waxa ayna xuseen booliiska in ay jireen labo cabsi-gelin oo la sameeyay kuwaa oo ka dhan ah Baarlamaanka Norwey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya iyo Imaaraadka oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dal (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Duqa Muqdisho oo qodob xasaasi ah kala hadlay saraakiisha Xoogga dalka

Caydiid Ali

Akhriso Magacyada iyo Qabiilada Gudoonka Cusub ee G/Banaadir +Sawiradooda

Cabdi Cade