Bangiga Amal oo Barnaamij cusub usoo bandhigay Ganacsatada Suuq Bacaad (Daawo Sawirro)

Bangiga Amal ayaa maanta qabtay barnaamij cusub oo loogu magac daray Sidee Bangiga Amal ugu Faa’iideyn karaa Ganacsatada yar yar ?, waxaana barnaamijkan lagu qabtay xarunta Bangiga ku leeyahay Suuqa Bacaad .

Ugu horayntii waxaa barnaamijka ka hadlay oo sharaxay mihiimada kulanka ee ay amal u qabatay Ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada Mamulaha Bangiga Amal ee Suuq bacaad Abdulahi Hassan Wehliye, waxa uuna sheegay in Kulankan loogu Tala galay hormarinta iyo Wacyi gelinta Gacansatada iyo Bulashada.

Waxa sido kale Kulanka ka hadlay Madaxa howlaha dhexe ee bangiga Amal Abdiwali Mohamed Ali oo isku mid ah usoo dhaweeyeen ganacsatada Suuq Bacaad uguna Bishaareyay inay u hayaan Adeegyo la jaan qaadaya Casrigan cusub ,iyagoona sheegay in mar walba ay diyaar u yihiin shaqaale Qancin doona Bulshada Dhanka macaamishana ay ka sugayaan inay sidii ay horay Hantiidooda ugu aaminen ay sii xoojiyaan, waxa uuna balan qaaday in u ka dhabeen doono Arigtada bangiga ee ah Himiladeenu waa Hormarkaga.

Dhanka kale Cali Yalaxoow Maalin oo ka mid ah odayaasha & ganacsatada Suuq Bacaad ayaa u mahadceliyay bangiga Amal kulankan kuna amaaneen Amal in lagu Yaqaano Amaano iyo wada shaqayn waxayna Balan qaadeen in ka faa”iidesan doonan lana shaqayn doonan bangiga iyo xawaalada Amal.

Yoonis Ciise Diiriye oo ka tirsan waaxda Suuq Geynta Amal Bank ayaa sharaxay adeegyada iyo hormarka Amal bank, wuxuuna ganacsatada u sharaxay in bangiga wuu hayo shaqo walibo oo bangiyada Aduunka bulshada u qabto.

Maamule ku xigeenka xawaalada & Bangiga Amal ee Bartamaha iyo Koonfurta Somalia mudane Mohamed Abdi Mohamed ( Aybakar) oo soo xiray kulanka ayaa sheegay inay shirkadu ku dhisan tahay aaminaad, daacadnimo , ku taagnanta shareecada islaamka iyadoo Bulshada ugu adeegta sida ugu wanaagsan ee shareecad Islaamku qabto isagoona sheegay in mamulka amal iyo shaqaalahoodu yihiin kuwo ku dhiiran u shaqaynta Bulshada Soomaaliyeed iyo cid walboo shaqo ka soo gasho si waafaqsan shareecada Islaamka, Waxaa kaloo uu sheegay in ay Balaarin doonan xarumah Soomaaliya ee Shirkada amal Mar walbana ay tayeen doonan shaqaalahooda  kuna qadan doonan aminada ruuxa aqontiisa maadiga iyo diiniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -