Majaajiliiste aan laheyn khibrad Siyaasadeed oo ku guuleystay doorasho Madaxweyne

Dadka reer Ukrain ayaa maanta codadkooda ka dhiibtay doorashada madaxtinimada, taasoo uu ku guuleystay nin majaajiliista ah oo aanan laheyn khibrad siyaasadeed.

Natiijooyinka hordhaca ah ayaa muujineya in Volodymyr Zelenskiy oo horay u jilay musalsal TV-ga laga daawaday oo uu ku matalay madaxweyne mala’awaal ah uu ka guuleysanayo madaxweynaha talada haya Petro Poroshenko.

Codadka doorashada wareegga labaad ee la tiriyey dadka codkooda dhiibtay 75% waxay codkooda siiyeen Mr Volodymyr Zelensky.

Kalsoonida ay ku qabaan shacabka Mr. Poroshenko, ayaa hoos u dhacday, kaddib marki uu ku guuldarreystay inuu wax ka qabto musuqmaasuqa iyo heerka nolosha waddanka oo aanan horumarsaneyn.

Labadani musharrax ayaa waxaa dhexmaray Jimcihii dood si toos ah looga daawaday TV-ga isla markaana ka dhacday garoon lagu ciyaaro kubadda cagta oo ku yaalla magaalada Kiev, waxayna isweydaarteen ereyo, aflagaado iyo eedeymo ay isu soo jeediyeen, iyagoo ka sinnaa ballan qaad ay ku ballan qaadeen in Ukraine ay ku heyn doonaan xeyndaabka reer galbeedka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -