Wasiir katirsan XFS oo ku eedeeyay Siyaasiyiinta Mucaaradka in ay taageeraan Argagaxisada

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood in ay kasoo horjeedeen arrimihii deynta cafinta iyo sidoo kale in cunaqabateynta hubka laga qaado dalkeena.

Axmed Fiqi ayaa sheegay in siyaasiyiinta qaarkood la hayo warqado ay dareen oo ay uga soo horjeedeen in dalkeena deynta laga cafiyo sidoo kale laga qaado xayiraada hubka, waxa uuna mar kale sheegay siyaasiyiintaasi ay diidan yihiin dhameestirka dastuurka.

”Waxay si hoose uga horjeedeen, oo qaarkood waraaqihii diidmada ahaa ee ay qoreen la hayaa arrimihii; Cunaqabataynta hubka in dalka laga qaado iyo hawshii weyneyd ee deyn cafinta, haddana waxay si muuqata oo danahooda ku salaysan uga soo horjeedaan dhammaystirka dastuurka xataa haddii ra’yigii qaarkood ay soo jeedeen uu barlamaanku tixgaliyey” ayuu yiri wasiir Axmed Fiqi.

Wasiirka Arri,aha Gudaha ayaa sidoo kale ku eedeeyay siyaasiyiinta dowladda mucaaradka ku ah qaarkood in ay kasoo horjeedaan in dalka laga xureeyo kooxda Al Shabaab, isaga oo sidoo kale tilmaamay in ay taageersan yihiin mashruuca argagaxisada.

”Qaarkoodna Khawaarijta dalka in laga xoreeyo waa ka soo horjeedaan illaa iyo haddana waxay taageero u yihiin mashruuca argagixisada” ayuu yiri wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Hadalka wasiirkan katirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa imaanaya xilli madaxdii hore ee dalka soo martay iyo musharaxiin hore kasoo horjeedaan wax ka bedelka dastuurka dalka oo lagu wado in beri xildhibaanada labada Aqal ay meel mariyaan cutubyo kamid ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -