Allbanaadir.com
NEWS

Askari Mareykan ah oo ISIS xog xasaasi ah ku caawiyay oo xukun lagu riday

Askari ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa lagu xukumay 14 sano oo xarig ah, kaddib markii lagu helay inuu isku dayay inuu gacan ka geysto in kooxda Daacish ay weerar gaadmo ah ku qaado ciidamo katirsan dowladda Mareykanka, sida ay Jimcihii sheegtay wasaaradda cadaaladda.

Maxkamad gacanta ku heysay kiiska askarigan oo lagu magacaabo Cole Bridges, oo sidoo kale loo yaqaan Cole Gonzales, oo 24 jir ah, ayaa ugu dambeyn ku xukuntay 14 sano oo xabsi ah, wa waxa uu sidoo kale mari doonaa sii-dayn kormeer ah 10 sano ka dib markii laga sii daayo xabsiga.

Askarigan katirsanaa ciidamada Mareykanka ayaa lagu soo oogay sannadkii 2021-kii inuu siiyay xog ciidan iyo tilmaamo kooxda Daacishm, kuwaa oo ku saabsanaa sida loo dili karo askar ay kawada tirsan yihiin ciidamada Mareyanka.

Cole Bridges oo kamid noqday ciidamada Mareykanka sannadkii 2019-dii ayaa qirtay  dambiga lagu soo oogay ee ahaa in uu Daacish taageeray uuna siiyay xog bishii Juun 2023, waxa uuna ka codsaday laamaha caddaaladda in loo naxariisto.

Kahor inta uusan ku biirin, sida laga soo xigtay waaxda caddaaladda Mareykanka, wuxuu bilaabay raadinta cilmi-baaris iyo  borobogaando online ah “kor u qaadista jihaadka iyo fikradahooda rabshadaha leh, wuxuuna bilaabay inuu taageero ISIS iyo jihaadka ku muujiyo baraha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Video:- Ganacsi faa’iido badan oo ka socda Xarunta Xalane iyo Warar kale

admin

Madaxda isdiidan ee Maamulka Galmudug oo Muqdisho u yimid dhexdhexaadin iyo dowlada oo..

Caydiid Ali

Jeneraal Tuuryare” Uma qadanayo waxii xalay dhacay shil yar wax ku talagal ah bay aheyd & isku day dil “

admin
Taboola Ads ---