Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Al-Shabaab oo weerar khasaare geystay ka fuliyey gudaha dalka Kenya

Labo ka tirsan Ciidanka Milliteriga Kenya iyo Sarkaal Boolis ayaa la sheegay inay  ku dhaawacmeen Iska-horimaad ka dhacay Deegaanka Bura East oo ka tirsan Gobalka Garissa.

Jorje Sangalo Taliye-hoosaadka Booliska ee Degaanka Faafi, ayaa sheegay Iska-horimaadkaasi uu bilowday markii dagaalyahano hubeysan ay weerar soo qaadeen.

War qoraal ah oo ka soo baxay booliska Kenya  ayaa lagu lagu sheegay  inuu Iska-horimaadka ay khasarae ugu geysteen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, ayna baacsadeen.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay baadi goobayaan xubno ka tirsan Al-Shabaab oo inta badna weeraro ka fuliyo magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab iyo dowlada Somalia oo War ka soo saartay (Akhriso)

Caydiid Ali

Madaxweynaha Hirshabeelle oo loogu baaqay in uu Is casilo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Jubbaland oo qabatay Sargaalkii hoggaaminayay ciidankii Raaskanbooni

Cabdi Cade
Taboola Ads ---