Muwaadiniin Kenyan ah oo lagu laayay gudaha Soomaaliya iyo meydadkooda oo la geeyay…

Wararka ka imaanaya magaalada Dhoobley ee kutaalla xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay saddex muwaadin oo u dhashay Kenya, kuwaa oo howlo ganacsi u tagay magaalada Dhoobley.

Rag hubeysan oo lagu tuhmayo in ay katirsan yihiin kooxda Al Shabaab ayaa rasaas xooggan ku furay muwaadiniintan Kenyanka ah oo dhammaan la sheegay in ay rag ahaayeen , kuwaa oo isla goobta ku geeriyooday.

Guddoomiye ku xigeenka deegaanka Libooye ee gobolka waqooyi bari dalka Kenya Cali Manduku ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in meydadka dadka Kenyanka ah ee lagu dilay Dhoobley la keenay Libooye.

Waxa uu sheegay Cali Manduku in lixda qof ee lagu dilay magaalada Dhoobley ay kasoo jeedaan gobolka Meru ee dalka Kenya, waxa uuna sheegay in dadkan ahaayeen ganacsato iibin jirtay maacuunta.

Guddoomiye kuxigeenka deegaanka Libooye ayaa sheegay in aan wali la ogeyn sababta loo dilay dadkan Kenyanka ah, waxaana sidoo kale la ogeyn dadkan oo ku ganacsan jiray Libooye qaabka ay ku tageen magaalada Dhoobley.

Dowladda Kenya ayaa horey u xirtay xadka ay wadaagaan Soomaaliya, waxaana aad u yaraa ganacsato kasoo jeeda dalkaasi in ay u tallaabaan xadka Soomaaliya, maadaama ay kooxda Al Shababa beegsato dadka aan muslimka aheyn ee kasoo jeeda Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -