Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirro: Rabshadaha Iran oo sii xoogeystay & tirada dadka ku naf waayey oo sii kordhaya

Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen banaanbaxyada rabshadaha isu rogay ee dalka Iran ka socday maalmahan sida uu talefishinka dowladda baahiyey.

Rabshadaha ayaa wali sii socda xili madaxweynaha dalkaas Xassan Ruuxaani uu ku baaqay degenaansho.

Xassan Ruuxaani ayaa sheegay in rabshad aanan loo dulqaadan karin, balse waxa uu qirey in ay dadka xaq u leeyihiin inay ra’yigooda cabbiraan kana hadlaan dhibaatooyinka ay qabaan.

Banaanbaxyada ayaa socday habeenimadii, iyada oo ay booliiska isticmaaleen sunta dadka kaga ilmeysiiso iyo biyaha. Waxa ay inta badan ka dhaceen magaalooyinka dalka Iran.

Waxa ay ka biloowdeen magaalada labaad ee dalkaa ee Mashhad, waxayna noqonayaan kuwii ugu balaarnaa tan iyo sanadkii 2009-kii.

Illaalada kacaanka oo ku xiran hoggaamiyaha sare ayaa u digay banaanbaxayaasha, waxayna sheegeen in aanan loo dulqaadan doonin wax rabshada ah, gacan bir ahna lagu qaban doono dadka wax burburinaya.

Wariyeyaasha ayaa kusoo waramaya in illaalada kacaanka ay soo dhexgaleen arrimaha ay ka dhigantahay in xaaladda ay faraha kasii baxayso.

Dowladda ayaa bilowday in ay qadka ka saarto baraha bulshada iyo adeegga internetka, waxaana jira in warbaahinta dowladda ay biloowday in ay tabiso muuqaalada la xiriira banaanbaxyada.

Banaanbaxyada ayaa ka dhashay sida la sheegay duruufo dhaqaale oo adag oo soo food saaray shacabka reer Iran, waxayna dadka dalbanayaan in awoodda laga xayuubiyo xukuumadda waddaada ku xiran.

Banaanbaxayaasha qaarkood ayaa ku baaqayay in lasoo celiyo boqortooyadii reer Shah, iyada oo wiil uu dhalay boqorka oo ku nool Maraykanka oo lagu magacaabo Reza Pahlavi uu soo saaray war murtiyeed uu ku taageerayo banaanbaxayaasha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukuumada Somalia oo War ka soo saartay qaraarkii ka soo baxay Golaha amaanka ee QM

Caydiid Ali

Israel oo 24 saac gudahood duqeyn ku leysay dad ka badan 750 qof (Sawirro)

Caydiid Ali

Dagaal caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali