Allbanaadir.com
NEWS

War deg deg ah: Sarkaal ka tirsan ciidanka Milateriga oo goor dhow lagu toogtay Muqdisho

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa caawa degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ku toogtay sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada Somalia.

Col. Maxamed Xasan oo sida la sheegay ka mid ahaa saraakiisha ciidanka XDS ayaa lagu toogtay agagaarka hoygiisa oo ku yaalla meel ku dhow xarunta Maamulka degmada Waaberi.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in sarkaalka oo ku fiidsanayay gurigiisa hortiisa ay weerar ku soo qaadeen rag bastoolado ku hubeysan oo rasaas ku furay kuwaasoo markiiba ka baxsaday goobta.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Waaberi ayaa Allbanaadir.com u sheegay in sarkaalka oo qabay dhaawacyo halis ah loola cararay goobaha caafimaadka, waxaana warar soo baxaya oo aan si fiican loo xaqiijin ay sheegayaan inuu geeriyooday.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia oo goobta soo gaaray ayaa halkaas ka wada howlgalo ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyey falkaas  inkastoo aysan ku guuleysan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Shabaab oo ka baxdaay degaano hoostaga Galmudug & Wararkii u dambeeyey Kismaayo

admin

(Daawo Sawirro) Sida fatahaada webigu u saameysay degmada Buuloburde

Caydiid Ali

Shiikh Aadan Madoobe oo khudbad ka jeediyey Shirka Baarlamanada Afrika (Sawirro)

Caydiid Ali