Allbanaadir.com
NEWS

Garoon loogu magac daray Aasaasihii Calanka Somalia oo dhismihiisa la bilaabayo (daawo Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeeray qaybo kamid ah magaalada Gaalkacayo. Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinaayey mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo mas’uuliyiin kale.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horeyn ka qayb galay bandhigga mashruuca garoonka Cawaalle Liibaan oo si iskaa wax u qabso ah looga hirgelin doono magaalada Gaalkacayo, kaasoo noqon doona sida qorshuhu yahay garoon cagaaran oo loo dhisi doono mid la mid ah garoomada waaweyn.

Guddiga loo igmaday dhismaha garoonka ayaa soo bandhigay qaab dhismeed uu yeelan doono garoonku, waxaana ay iyana soo bandhigeen sida ugu sahlan ee looga qayb-qaadan karo hir gelinta dhismaha garoonka Cawaalle liibaan, Madaxweynaha oo ka jawaabay qaadhaanka dawladda loo asteeyey ayaa sheegay in dawladdu bixinayso isla wakhtigaasi lagu gudajirey madasha bandhigga dhismaha garoonka Cawaale Liibaan.

“Waxaad kasoo qaadaan lacagta qaraanka ah ee aad nagu qorateen inay jeebkiina ku jirto hadda, waxaan rabnaa inuu mashruucani sida ugu wanaagsan u hirgalo, noqdo mid socda oo gobolada oo dhan gaadha, waxaan rabaa qaybaha kala duwan ee bulshada inaan ku booriyo inay iyana ka qayb qaataan dhismaha garoonka gaar ahaan qurba, joogta, ganacsatada iyo bulshada rayid ka ahba ee dhammaantood qaybta ka ah ka qayb-qaata yaasha dhismaha garoonka” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

“Garoonka waxaa loogu magacdaray Maxamed Cawaale Libaan oo inaga mudan tariikh, waa asaasihii calanka Soomaaliyeed, inuu qurux badnaado oo dhammaystirnaadaa waxaynu u hiilinay marxuumka, waayo waxaynu illaalinay taariikhda magaciisa” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay dhismaha goobta lagu soo bandhigayey qaab dhismeedka garoonka Cawaale, waxaana uu Madaxweynuhu sheegay in ay hirgelisey mashruucani hay’adda SSF  isla markaana waxa uu xusay Madaxweynuhu in mashruucani Puntland wax badan kaga faa’iidaysatay kaabidda adeegyada bulshada, sida dhismayaasha saldhigyada, maxkamaddaha, ceel biyoodyo, laydhadh [solar system] iyo garoon kani caqaaran oo dhawaan laga hirgeliyey magaalada Gaalkacayo.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa ku booriyey shacabka Puntland inay ku dhiiradaan wax wada qabsiga, iskaashiga, hal abuurka, horumarka, nabadaynta iyo xasilinta dalkooda, isla markaana aanay ka daalin isku tashiga ay ku horumarsadeen dhulkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe: “Waxaan isku raacnay in shir kale la isugu yimaaddo Dhuusamareeb”

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Shaacisay magaca iyo Qabiilka ninkii isku qarxiyay Cabdullaahi Waafoow

Cabdi Cade

C/hi Max’ed Nuur: “Suuragal maaha in ajende COVID-19 ah loo dalbado 200 oo Maleeshiyo ah”

Caydiid Ali