Wafdi uu horkacayo Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka ka ambabaxay

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa ka duulay magaalada Muqdisho, iyagoo ku wajahan  magaalada barakaysan ee Makka Al-Mukarama oo ku taalla dalka Sacuudiga

Farmaajo ayaa halkaas kaga qeyb gali doona Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC) iyo kan jaamacada carabtaoo uu dhawaan ku baaqay boqorka Sacuudiga.

Kulanka 14-aad ee Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka oo lagu marti qaaday hoggaamiyeyaasha 57-dal ee ku bahoobay ururkan ayaa waxaa lagaga arrinsanayaa la dagaallanka argagixisada iyo fikirka gurracan ee xagjirnimada, qadiyadda Falastiin iyo dhibaatooyinka ka dhanka ah Muslimiinta.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay muhiimadda uu dalkeenna u leeyahay shirkani maadaama Ururka Iskaashiga Islaamka ay muddadii u dambaysay tallaabooyin wanaagsan u soo qaadeen dhanka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isla Magaaladda barakeysan ee Makka kaga qeyb gali doono maalinta barri ah Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu imaanayaan Madaxda Dalalka Jaamacadda Carabta, kaasoo lagaga wada hadlayo xaaladaha ugu danbeeyey ee Dalalkaas, danaha wada jirka ah ee ka dhaxeeya iyo sidii loogu midoobi lahaa dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku xeeran dowladaha iyo shucuubta Carbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -