Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Mareykanka oo billaabay daad-gureynta muwaadiniintiisa ku go’doonsan dalka…

Diyaarad kira ah oo sidday daraasiin muwaadiniin Mareykan ah oo ka soo cararay rabshadaha kooxaha burcadda ah ay ka wadaan Haiti, ayaa ku degtay magaalada Miami ee gobolka Florida ee dalkan Mareylanka .

Saraakiisha Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay, in dad ka badan 30 muwaadiniin Mareykan ah ay saaraayeen diyaaraddaasi ay dowladdu u kireysay ee Axaddii shalay tagtay Miami.

Dayuuradaasi ayaa ka degtay garoonka caalamiga ah ee Miami ka dib markii safaaradda Mareykanka ee Haiti ay horaantii bishaan ku boorisay muwaadiniinta Mareykanka, inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan dalkaasi ay fowdada iyo rabshada xun ka aloosanyihiin.

Gegida dayuuradaha ee Haiti ee Port-au-Prince ayaa wali xiran ka dib weerarro ay kooxaha burcadda ah ku qaadeen.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa Sabtidii ku dhawaaqday inay bixin doonto qarashaadka duulimaadyo xaddidan oo loogu talagalay muwaadiniinta Mareykanka ee ka imaanaya magaalada yar ee ay rabshadihii ugu dambeeyay ka taagnaayeen ee dhacda waqooyiga dalkaasi ee Cap-Haïtien.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shariif & Farmaajo oo eedeeyey ciidamada amniga DF (Akhriso)

Caydiid Ali

Weriye Baraha bulshada ku dhaliili jiray Madaxda dowlada Somalia oo xabsi la dhigay

Caydiid Ali

Mareykanka oo diyaarado iyo maraakiib dagaal oo dheeraad ah u diraya …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---