Burcad-baddeed iyo Badmaaxiinta Afduuban oo wada cunteeya iyo Sahayda oo gabaabsi ah

Afduubka lagu haysto 23-ka badmaax ee u dhashay dalka Bangaladesh ee la socda Markabka MV Abdullah ayaa waxa uu maanta galay Maalintii 7-aad, iyadoo aysan Burcad-baddeeda weli codsi rasmi ah u gudbinin shirkadda leh markabkaasi ee SR Shipping Limited.

La-Taliyaha dhanka warbaahinta ee Kabir Group, Md. Mizanul Islaam oo  Suxufiyiinta kula hadlay caasimadda dalkaasi ee Dhaka ayaa sheegay inay dhammaan badmaaxiinta wada caafimaad qabaan, isla markaana ay Burcad-baddeeda isla cunteeyaan.

“Mid ka mid ah badmaaxiinta waxa uu habeen hore oo Sabti ahayd la soo hadlay milkiilayaasha markabka, kana warbixiyey xaalladihii ugu dambeeyey ee ay u sugan yihiin” ayuu yiri Md Mizanul Islam.

Badmaaxa waxa uu xusay inay Sahaydooda gabaabsi tahay, maadaama Burcad-baddeeda ay la wadaagayaan sahayda oo ay la cunteeyaan.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Bangladesh, Hassan Mohamoud waxa uu ugu baaqay warbaahinta maxaliga inay joojiyaan muhiimada ay siinayaan afduubka markabka xamuulka ee MV Abdullah ee lagu qafaashay xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka oo Suxufiyiinta kula hadlay Xarunta YNT ee magaalladda Chattogram ee dalka Bangaladesh  ayaa sheegay in tebinta noocaasi bixinayso dareen saamayn taban leh (a negative impact).

Waxa uu xusay inay burcad-baddeeda daawadaan telefishinada Bangladesh iyo kuwa caalamiga, maadaama ay haystaan fursad ay Dayax-Gacmeedka ka daawan karaan Telefishinada oo dhan.

Qaar ka mid ah Ehelka badmaaxiinta afduubka lagu haysto ayaa dareemay naxdin weyn, iyagoo ka walaacsan nolosha Badmaaxiintaasi, waxaana laga cabsi qabaa haddii la weeraro burcad-badeeda in ay dhibaateeyaan dadka ay heestaan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -