Allbanaadir.com
NEWS

Weriye Baraha bulshada ku dhaliili jiray Madaxda dowlada Somalia oo xabsi la dhigay

Ciidamada dowlada ayaa xabsiga u taxaabay shalay weriye Nuur Ismaaciil Sheekh oo ka soo shaqeeyay xarumo warbaahineed oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Weriye Nuur Ismaaciil Sheekh ayaa la sheegay inay ciidamaa Booliska ku xireen Xarunta Hay’adda Dembi Baarista CID

Ma cadda sababta ka dambeysa xarigiisa, iyadoo saraakiisha dowladu aysan wax faahfaahin ah ka bixin.

Weriye Nuur Ismaaciil ayaa qoraalo uu ku dhaliilayay madaxtooyada Somalia iyo maamulka gobolka Banaadir ku faafin jiray baraha bulshada, dad badana wey aaminsan arrimahaas loo xiray.

Bahda warbaahinta gudaha iyo qeybaha ururada bulshada ayaa ugu baaqay dowlada federaalka iney xoriyadiisa loo celiyo weriyahan hadii uu jiro dembi loo heystana cadaalada la horkeeno laguna cadeeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid ka mid ah Abwaanada Soomaaliyeed ee caanka ah oo goor dhow geeriyooday

Caydiid Ali

Kuuriyada Waqooyi oo Gantaal cusub tijaabisay iyo dowlado ka carooday

Cabdi Cade

Turkiga oo jawaab caro leh ka bixiyey go’aan kasoo baxay dowlada Faransiiska

Caydiid Ali