Ciidamada Israel oo saacado yar gudahood ku dhowaad 100 qof ku xasuuqay Gaza

Laba iyo sagaashan qof ayaa lagu dilay magaalada Gaza 24-kii saac ee la soo dhaafay, taasoo ka dhigaysa dhimashada tan iyo 7-dii October 31,645 Falastiiniyiin ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.

130 qof ayaa ku dhaawacmay 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida Wasaaraddu xustay, taasoo tirada dhaawaca ka dhigaysa 73,676.

Qaar badan oo ka mid ah dhibanayaasha ayaa weli ku xayiran burburka hoostiisa iyo waddooyinka, iyadoo ambalaas iyo shaqaalaha difaaca rayidka ay awoodi waayeen inay gaaraan.

Wasaaraddu ma kala soocdo dagaalyahanada iyo dadka rayidka ah xogteeda.

Qaramada Midoobay ayaa horey u sheegtay in lagu kalsoonaan karo nidaamka tirakoobka dhimashada iyo dhaawaca dagaalka ee ay soo saarto Wasaarada caafimaadka Gaza

Kow iyo toban falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay duqeymo ay Israa’iil ku garaacday guri ku yaalla Deir al Balah oo ku yaalla bartamaha Qaza subaxnimadii hore ee Axadda, saaka sida uu sheegay Isbitaalka Shuhadada ee Al-Aqsa, kuwaasoo la gaarsiiyay dad kale oo ku dhaawacmay.

Goob joogayaal ayaa u sheegay shaqaalaha isbitaalka in duqeyntu ay ka dhalatay weerar diyaaradeed oo Israa’iil ay geysatay. Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira haween iyo caruur, sida uu sheegay isbitaalka.

- Advertisement -