Sidee Xassan Shiikh iyo wafdigii la socday loogu soo dhoweeyey Asmara? (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw  safar shaqo ugu ku gaaray magaalada asmara ee dalka Eretriya

Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Eriteriya ay booqasho labo maalin ah uga bilaabatay ayaa waxaa soo dhoweeyey dhiggiisa dalkaas Isaias Afwerki.

Waxay ka wada hadli doonaan iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Eretriya iyo xaaladihii ugu dambeeyey ee gobolka Geeska Afrika.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xassan Shiilkh Maxamuud ayaa galabta gaaray magaalada Asmara halkaas oo uu booqasho shaqo oo labo maalmood ah qaatay. Kahor Xasan iyo wafdigiisa ayaa waxaa soo dhaweyn heer sare ah u sameeyay dhigiisa Isaias Afwerki markii uu gaaray Asmara” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta dalkaas Yemane G. Meskel.

Eretriya ayaa dowlada Somalia horey ugu tababartay kumanaan askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo haatan dagaal kula jira Al shabaab, iyadoo weli uu dalkaas tababar uga socdo cutubyo kale oo ka tirsan ciidanka milateriga Somalia.

- Advertisement -