Ciyaaryahan Caan ahaa oo toogasho lagu dilay (Daawo Sawirada)

Kooxo hubeesan ayaa toogasho ku dilay Mark Batchelor oo ahaa ciyaartoy caan kasoo noqday dalka Koonfur Afrika una soo ciyaaray kooxo kala duwan oo ka ciyaara horyaalka dalkaasi.

Booliiska ayaa sheegay in rag hubeesan oon wali heebtooda la aqoonsan ay toogteen  Mark Batchelor xili uu gaari ku marayay meel ku dhaw gurigiisa oo kuyaala magaalada Johannesburg.

Col Lungelo Dlamini oo ah afhayeenka booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in ciyaaryahanka la toogtay xili uu gaarigiisa ku socday, waxa uunaxusay in ay baxsadeen dadkii ka dambeeyya dilka ciyaaryahanka.

Afhayeenka ayaa sheegay in aan wali la ogeyn sababta loo toogtay ciyaar yahan hore Mark Batchelor, waxa uuna tilmaamay in aysan jirin cid wali booliiska usoo xireen dilka Johannesburg loogu geestay ciyaaryahanka.

Ciyaaryahankan la dilay ayaa usoo ciyaaray qaar kamid ah kooxaha caanka ah ee dalka Koonfur Afrika, waxaana dilkiisa aad uga naxay saaxiibo badan ay soo wada ciyaareen iyo kuwa aqoon u lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -