Allbanaadir.com
NEWS

Shir xasaasi ah oo ka dhacay Xafiiska RW iyo taliyeyaasha amniga oo loo yeeray

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey amniga guud ee dalka, ciribtirka Al-shabaab iyo sidii loo sii adkeyn lahaa ammaanka caasimadda.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Gaashaandhigga, Ku-simaha Wasiirka Amniga Gudaha, Talisyada Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad Sugidda, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga, gaar ahaan xilligaan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan oo al shabaab ay caadeysteen inay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska RW.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in hey’adaha amnigu la yimaadaan feejignaan dheeri ah, si  al shabaab aanay fursad ugu helin weerarada

Waxa uu hoosta ka xariiqay Ra’iisul Wasaare Xamsa sida ay mudnaanta koowaad ugu leedahay Xukuumaddiisa ciribtirka al shabaab oo uu ku eedeeyey iney baneysteen nafta iyo maalka bulshada Soomaaliyeed.

Related posts

(Daawo Sawirro) Madaxweyne Qoorqoor oo qaabilay wefdi ka socday hay’adda IOM

Cabdi Cade

Iska hor imaad ka dhacay goob uu leeyahay Madaxweyne Donald Trump

Cabdi Cade

(Akhriso) Madaxda Jubbaland & K/Galbeed oo War Murtiyeed ka soo saaray Kismaayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---