Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Kenya iyo Britain oo u heshiiyay kooxda Al Shabaab iyo Xogta heshiiskaasi

Xoghayaha gaashaandhigga Dowlada Britain, Ben Wallace, ayaa socdaal shaqo ku tagay dalka Kenya, waxa uuna halkaasi kula kulmay masuuliyiin sar sare oo katirsan Dowlada Kenya uu kala hadlay arimaha amaanka.

Wadahadalo ay yeesheen Xoghayaha Gaashaandhiga Britain iyo Wasiirada arimaha gudaha iyo Gaashaandhiga dalka Kenya ayey uga wada hadleen dagaalka kooxda Al Shabaab iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen dagaal ka dhan ah kooxdaasi.

Dowladaha Britain iyo Kenya ayaana kala saxiixday heshiis dhinaca amaanka ah gaar ahaan la dagaalanka kooxda Al Shabaab ,Dambiyada Internetka iyo sidoo kale in ay iska kaashadaan amaanka gobolka.

“Heshiiska wuxuu ka dhigayay in Kenya iyo UK ay ka go’antahay xoojinta iskaashiga dhanka la dagaallanka halista Al Shabaab, dambiyada internetka, tahriibinta dadka iyo xoojinta amniga gobolka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowlada Britain.

Dowladaha Britain iyo Kenya ayaa sidoo kale ku heshiiyay in ay is dhaafsadaan xogta kooxaha argagaxisada ah iyo sidii cunaqabateyn loogu soo rogi lahaa dadka dhaqaalaha ku taageera kooxahaasi.

Kenya ayaa dagaal xoogan kula jirta kooxda Al Shabaab oo weeraro joogta ah ka geesata gudaha dalkaasi, waxa ayna Kenya taageero caalami ah u raadineysa dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab oo weeraro badan oo lagu hoobtay ka fulisay gudaha dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Video: Dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee arrimaha Soomaaliya iyo nin geestay qaraxyo ka dhacay muqdisho oo ….!!

admin

Shabakad argagaxiso oo ajaaniib ku jiraan oo lagu xir xiray Boosaaso

Cabdi Cade

Rajo nuucee ah ayuu Baarlamanka UK galiyay Shacabka Somaliland & aqoonsiga ay raadinayaan !!

admin
Taboola Ads ---