Faahfaahino kasoo baxaya qarax lagu weeraray guri uu degnaa Sargaal ciidan

Waxaa xalay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ka dhacay qarax miino oo lagu xiray guri uu magaaladaasi ka degnaa sargaal katirsanaa ciidamada maamulka Jubbaland.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino ayaa lagu xiray guri kuyaalla xaafada Kibooro ee magaalada Kismaayo , waxaana guriga qaraxa lagu xiray xilligaasi ku sugnaa qoyska sargaalka katirsan ciidamada Jubbaland.

Qaraxa ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen dad u sugnaa guriga lagu xiray, ciidamada ammaanka magaalada Kismaayo ayaana sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan qaraxan iyo dadkii ka dambeeyay.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa kusoo badanaya qaraxyada lagu xiro guryaha ay degan yihiin saraakiisha iyo masuuliyiinta maamulka Jubbaland , waxaana qaraxan oo kale oo Kismaayo ka dhacay ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -