Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo arrimo muhiim ah kala hadlay Sir Philip Barton (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda dowladda Britain oo uu hoggaaminayey Xoghayaha Joogtada ah ee Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta Sir Philip Barton.

Kulanka ayaa waxay labada dhinac kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga faca-weyn ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo UK, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uga mahadceliyey Dowladda UK kaalinta ay ka qaadato dib-u-soo kabashada dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, isbeddelka cimillada iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Dhankooda, wafdiga Mudane Philip Barton ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda soo dhaweynta diirran, iyagoo muujiyey sida ay u bogaadinayaan guulaha wax-ku-oolka ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay gaareen muddadii la soo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muddada ay gudaha Soomaaliya ka howlgalayaan UNSOM oo la kordhiyay

Cabdi Cade

TOOS U DAAWO: Doorashada Gudoonka Baarlamanka Galmudug oo bilaabatay

Caydiid Ali

Shirka Maamulka G/Banaadir oo ku qabsoomay degmada Dayniile (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---