Xiisada dagaal ee u dhaxeeysa waddamada ku hubeysan hubka Nukliyeerka ee Pakistan iyo Hindiya, ayaa cirka sii galeysa, waxaana cabsi weyn laga qabaa in labada dal in uu ka dhax qarxo dagaal xooggan oo dhiig badan ku daato.
War kasoo baxay milatariga Pakistan ayaa lagu sheegay in 25 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ee Hindiya ay qabteen ciidankooda, waxaana la sheegay in diyaaradahan ay soo rideen Pakistan ay yihiin kuwa Israa’iil sameysay balse isticmaalayeen ciidanka Hindiya.
“ilaa hadda, 25 diyaaradood oo Herop ah oo ay Israa’iil samaysay ayaa waxaa toogtay millatariga Pakistan,” iyaga oo isticmaalaya qalab farsamo iyo hub, waxaana burburka siyaaradahan yaalaan meelo kamid ah Pakistan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay milatariga Pakistan.
Milatariga dalka Pakistan, ayaa sheegay in diyaar u yihiin difaaca dalkooda iyo dadkooda, waxa ayna caddeeyeen in aysan ganban doonin ayna bixin doonaan jawaab ku habboon tallaabo kasta ay qaadaan milatariga dalka Hindiya
“Ciidamada Pakistan waxay siinayaan jawaab ku habboon cadawga, waxayna burburinayaan dhammaan ujeeddooyinkooda,” ayaa lagu yiri warka goordhaw kasoo baxay milatariga dalka Pakistan.
Ciidamada Pakistan , ayaa ku guuleestay in diyaarado badan oo nuuca dagaalka ah ayna ku jiraan kuwa casri ah kasoo ridaan dalka Hindiya, waxaana hadda heegan ku jira milatariga labada dal, iyada oo ay suurto gal tahay in xilli kasta uu dagaal qarxi karo.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com