Allbanaadir.com
NEWS

Qarax khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Qarax nuuca miinada hareeraha waddooyinka la dhigo ayaa maanta ka dhacay degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir,qaraxan ayaana lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo katirsan booliiska milataare.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa oo jugtiisa meelo badan laga maqlay ayaa ka dhacay xaafada Shaaciye ee katirsan degmada Hiliwaa, waxaana goobta qaraxa ka dhacay la sheegay in uu marayay gaari ay la socdeen ciidamo katirsan dowladda.

Inta la xaqiijiyay qaraxan miino waxaa ku dhaawacmay afar qof oo saddex kamid ah yihiin shacab goobta qaraxa ka dhacay ku sugnaa, qofka kale ee dhaawacmay ayaa ahaa askari katirsanaa ciidanka qaraxa lala eegtay.

Ciidanka ammaanka ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen howlgalo baaritaanno ah, lamana shaacin ilaa hadda cid qaraxaasi ciidamada usoo qabteen.

Qaraxyada miino ee lala eegto ciidanka dowladda ayaa kusoo badanaya qeybo kamid ah magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, qaraxayada ayaana mararka qaar waxa ay waxyeelo kasoo gaartaa dad shacab ah oon waxba galabsan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo soo gaaray Muqdisho iyo goobaha ay ka howlgalayaan oo la shaaciyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyay Galmudug & Gudoomiyaha G/Benaadir oo amar cusub bixiyay

admin

Khilaaf Xoogan oo ka dhax qarxay Madaxweyne Farmaajo iyo Cali Guudlaawe !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---