Muddada ay gudaha Soomaaliya ka howlgalayaan UNSOM oo la kordhiyay

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muddo kordhin hal sanno ah u sameeyay howlgalka Soomaaliya UNSOM oo sii shaqeynaya illaa laga gaaro 31ka bisha October ee sannadka 2023.

Codeyn golaha ammaanka u sameeyeen ayaa la isku raacay in muddo sannad dheeraad ah lagu daro howlgalka UNSOM ee Soomaaliya, waxaana dib u cusbooneysiiyay howlgalka tirsigiisu yahay 2158 (2014) & 2592 (2021) .

Bayaan kasoo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in howlgalka UNSOM muddo sannad ah shaqeenayo, waxaana sannad kadib markale lagu sameenayaa dib u eegis cusub .

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan Baalle ayaa uga mahadceliyay golaha ammaanka dib u cosbeensiinta howlgalka UNSOM, waxa uuna codsaday in xafiiskan taageerada Soomaaliya sii xoojiyo.

Golaha Ammaanka ayaa soo jeediyay in la taageero Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS loo magac baddelay, dhaqdhaqaaqyada ay wadaan Ciidamada Federaalka & dhinacyada kale ee ku taageeraya howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -