Askar hubeysan oo la sheegay in ay katirsan yihiin ciidanka daraawiishta maamulka Puntland, ayaa maanta weerar khasaaro kala duan dhaliyay ku qaaday saldhigga Koonfureed ee Magaalada Garoowe ee caasimadad Puntland.
Sida aan wararka ku helnay askar hubeysan ayaa ka gadoodsanaa hub xalay xubno saaxiibadood ah looga qaaday howlgal laamaha amniga ka sameeyeen magaalada Garoowe, waxa ayna askartan u weerareen saldhigga sidii ay hubkooda usoo ceshan lahaayeen.
Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku dhintay mid kalana dhaawac ayaa kasoo gaaray iska horimaadka ka dhacay magaalada Garoowe, lamana soo sheegin ilaa hadda khasaaro iska horimaadka kasoo gaaray dad shacab ah.
Askarta weerarka ku qaaday saldhigga kuyaalla magaalada Garoowe , ayaa la sheegay inay katirsan yihiin askar ka amar qaadata Gen. Mubaarak Jiqda oo katirsan ciidamada Daraawiishta Puntland, kaa oo deggan aagga Bixin Garoowe.
Laamaha amaanka Garoowe, ayaan wali si rasmi ah uga hadlin iska horimaadka khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay magaalada , waxa uuna iska horimaadkan imaanayaa xilli laamaha amniga Garoowe qorsheenayaan in magaalada laga bilaabo howlgal hub ka dhigis ah.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com