Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo cambaareeyay go’aannadii kasoo baxay Shirka Wadatashiga

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Shir gudoomiyay shirka Golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo Kala duwan oo ay kamid yihiin arrimaha Amniga, iyo Xaalada guud ee Siyaasada dalka.

Ugu horeeyn Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa Golaha Wasiirrada uga warbixisay dadaallada wacyigelineed ee la xiriira ilaalinta deegaanka, gaar ahaan ka hortagga jarista dhirta. Wasaaraddu waxay xustay in ay xoogga saartay ololayaal wacyigelin ah oo laga hirgeliyey qeybo ka mid ah dalka bilihii u dambeeyay.

Sidoo kale, Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ayaa soo bandhigtay warbixin la xiriirta mashaariicda keydinta biyaha, kuwaas oo laga fuliyey degmooyinka Dhoobley iyo Doolow. Wasaaraddu waxay halkaas ka hirgelisay waro biyoodyo loogu talagalay kaydinta biyaha roobka si wax looga qabto abaaraha iyo biyo la’aanta.

Dhanka kale, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ayaa Golaha hor keentay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Gargaarka Bini’aadannimada, kaas oo la filayo in akhrintiisa ay si rasmi ah u bilaabaan Golaha Wasiirradu.

Ugu dambeyntii, Golaha Wasiirrada ayaa si adag u cambaareeyay waxyaabihii kasoo baxay kulankii shalay ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya, iyagoo sheegay in kulankaasi aanu waafaqsanayn Dastuurka iyo shuruucda dalka ee heshiiska lagu yahay.

Related posts

Dibadbaxyo rabsahado wata oo ka socda magaalooyin kuyaalla Kenya

Cabdi Cade

Shiikh Shariif oo Baaq u diray ciidamada dowlada ee weli difaacaya Farmaajo

Caydiid Ali

Aaska weriye Shariin Abuu Aqel oo lala sugayo walaalkeed oo ka imanaya Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---