Rag loo heesto qaraxii ka dhacay Isgooska Soobe oo Maxkamad lasoo taagay

Waxaa maanta Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Soomaaliya lasoo taagay shan nin oo loo heesto in ay wax ka maleegeen qaraxii dadka badan ku dhinteen ee 14-kii bishii October ka dhacay Isgooska Soobe.

Shantan nin ee loo heesto qaraxii ka dhacay Isgooska ayaa maanta Maxkamada la horkeenay si loo dhageysto dacwada lagu soo oogay, hasa ahaatee dhageysi dacwada ayaa dib u dhacday sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha Maxkamada darajada koobaad ee ciidanka Qalabka sida Xasan Cali Dhuute.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in  dib loo dhigay dhageysiga dacwada shantan nin  ee ku eedeesan qaraxii ka dhacay Isgooska Soobe maalinta Khamiista ee ku beegan 4-ta bishan Janaayo.

Dowlada Soomaaliya ayaa soo xirtay shan nin oo loo heesto in ay wax ka maleegeen qaraxii lagu dhamaaday ee ka dhacay Isgooska Soobe, waxaana dadkan xiran ku jira kuwa loo heesto in ay damiinteen gaariga qarxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -