Donald Trump iyo Amiir Max’ed Bin Salmaan oo lagu riday xukun dil ah

Maxkamad ku taalla dalka Yemen ayaa xukun dil ah ku ridday 10 qof oo ay ku jiraan madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump iyo dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan.

Sidoo kale boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin Cabdulcasiis Aala Sacuud ayaa ka dhex muuqda liiska dadka lagu xukumay dilka toogashada ah oo loo heysto inay mas’uul ka ahaayeen xasuuq labo sano ka hor loo geystay arday reer Yemen ah.

Garsooraha ayaa sheegay in xukunkaas uu ku riday saddexda eedeysane iyagoo ka maqan maxkamadda, oo ku taalla gobolka Sacda ee dhaca dhinaca waqooyi-galbeed ee dalka Yemen.

Warbaahinta caalamka, oo ay u badan yihiin kuwa Carabta ayaa si weyn u hadal hayay wararka ku saabsan xukunkaas.

Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Yemen ee SABA xubnaha xukunka lagu riday ayaa lagu helay dambi la xiriira ku lug lahaamshaha duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha xulafada Sacuudiga oo sanadkii 2018-kii lagu beegsaday bas ay saarnaayeen carruur iskuuleey ah kasoo ay ku naf waayeen ku dhowaad 50 qof oo caruur u badan.

Dadka kale ee ku jira liiska shakhsiyaadka toogashada lagu xukumay waxaa ka mid ah Madaxweynihii Yemen, Cabdi Rabu Mansuur Haadi, Amiir Turki bin Bandar bin Maxamed bin Cabdiraxmaan Aala Sacuud, oo ka tirsan boqortooyada Sacuudiga,  Xoghayihii hore ee gaashaandhigga Mareykanka James Mattis iyo xubno kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -