Xildhibaan Kenyan ah oo Goob tirinta codadka ka socotay ku dilay Kaaliyaha Musharaxii la tartamayay

Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa baadigoob xoogan ugu jira xildhibaan katirsanaa baarlamaanka dalkaasi, sidoo kale ahaa musharax mar kale u tartamayay difaacashada kursigiisa , kaddib markii uu dil ka geestay goob ay ka socotay tirinta codadka.

Xildhibaankan oo lagu magacaabao Didmus Wekesa Barasa, lagana soo doortay degmada Kimilili ayaa toogasho ku dilay kaaliyaha musharax ay si weyn ugu loolamayeen kursiga uu ku fadhiyo xildhibaanka.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku warantay in dhacdadan xalay maqribkii ka dhacday Dugsiga Hoose ee Chebukhwabi, magaalada Kibingei oo ay ka socotay tirinta codadka, xildhibaanka ayaana toogtay askari ilaalo iyo kaaliye u ahaa musharaxa la tartamayay.

Gudoomiyaha ismaamulka Bungoma galbeedka Kenya Samuel Kimiti ayaa sheegay in ay baadi goob ugu jiraan xildhibaanka dilka geystey, waxa uuna ugu baaqy dadka deegaanka in ay lasoo xariiraan booliiska haddii ay arkaan xildhibaanka dilka geestay.

Dhacdadan dilka ah uu geestay xildhibaankan katirsanaa baarlamaanka dalka Kenya ayaa si weyn looga hadal hayaa dalka Kenya, waxa ayna dhacdadan noqotay mid ku cusub doorashooyinka dalka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -