Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wafdi dhambaal u sida Madaxweyne Xassan Shiikh oo Muqdisho soo gaaray

Wafdi ka socdo Ururka Jaamacadda Carabta ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Waxaa si diiran garoonka Diyaaradaha ugu soo dhoweeyay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS mudane Xamza Aadan Xaadow, Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Masar ahna Wakiilka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Danjire Ilyaas Sheekh Cumar iyo Cabdullaahi Otobi oo ah Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya.

Mas’uuliyintan oo ka kooban labo xubnood ayaa si kooban warbixin uga dhegeystay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS Xamza Aadan Xaadoow iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar Danjire Ilyaas Sheekh Cumar oo si walaalnimo leh ugu soo dhoweeyay dalka.

Wafdigan ayaa dhambaal ay ka sidaan Jaamacadda Carabta gaarsiin doona Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo saacadaha soo socda ay ka kulmi doonaan.

Related posts

Qaraxyo caawa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Xog: Madaxwayne Farmaajo Muxuu uga baaqday shirka Falastiin ee Madaxda Islaamka ?

admin

Al Shabaab oo soo bandhigtay askar la sheegay in ay kasoo goosteen ciidanka dowlada 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---