Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Baarlamaanka Somalia oo soo gebagebeeyey dooda cutub ka mid ah dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka guud ee labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa Guddoomiyaha ku wehelayay ku-xigeennada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu ajandihiisu ahaa dhameystirka ka-doodista soojeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka, cutubka koowaad, qodobada 1-ilaa 9-aad ee Baaqa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo soo jeedinta mooshin ay soo gudbiyeen 70-Xildhibaan taas oo ah wax badel lagu sameeyo arinta Jinsiyadda Soomaaliya.

Doodda qodobbada 1-aad illaa 9-aad ee cutubka koowaad oo qaadatay muddo afar maalin ah ayay Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanku soo jeediyeen aragtiyo wax ku ool ah, qaabayn, sixid iyo siiqayn, si marxaladda xigta guddiyada Dastuurka ee doodda la socda ay ugu soo dhafaan Dastuurka talooyinka iyo soojeedimaha mudanayaasha labada aqal.

Guddoomiyaha oo soo gunnaanaday Doodii looga hadlaayay cutubka 1aad ee Dastuurka, waxaana uu Guddoomiyuhu sheegay in dib loogu celiyay Guddiga Dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu Guddoomiyaha xusay in maalinta beri loo ballansanyahay kulan aan caadi aheyn oo Xildhibaannada isugu yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

In ka badan 21 Milyan Dollar oo laga xaday Qasnada dowladda iyo Xeer Ilaalinta oo loo gudbiyay …

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo la kulmay Wakiillo ka socday Beesha Caalamka (Sawirro)

Cabdi Cade

Kulankii Qoor-qoor & Deni oo goor dhow soo gebageboobay (Maxaa ka soo baxay?)+Sawirro

Caydiid Ali
Taboola Ads ---