Xog: Madaxwayne Farmaajo Muxuu uga baaqday shirka Falastiin ee Madaxda Islaamka ?

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka baaqday shirkii degdega ahaa ee Magaalada Istanbul loogu qabtay madaxda dalalka Islaamka.

Sarkaal sare oo ka tirsan hawl wadeenada Villa Somalia ayaa sheegay in dawlada Maraykanka ay cadaadis ku saartay Madaxwayne Farmaajo in uu shirkaas ka baaqdo.

Sarkaalkaan oo diiday in magaciisa la sheego sababo shaqadiisa la xariira awgeed ayaa intaas ku daray in uu aad uga niyad jabay go’aanka madaxweynaha, islamarkaana uu ku dhowaaday in uu xilka iska casilo.

Si tan la mid ah ayuu Farmaajo bishii December ee sanadkii tegey cadaadis ku saaray ergeyga Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Mudane Abuukar Daahir Cusmaan (Baale) in uu ka aamuso go’aanka dawlada Maraykanka ee lagu diidan yahay in ay Jerusalem noqoto caasimada Yuhuuda.

Inkastoo uu Madaxwaynaha Maraykanka Dinal Trump ugu hanjabay dawladii go’aankiisa ka hortimaada in uu cunuqabatayn dhaqaale saari doono ayaa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay cod u qaaday 22//12/17 go’aanka Maraykanka uu safaaradiisa ugu rarayo Jerusalem, ka dib markii uu Maraykanku adeegsaday codka diidmada qayaxan ee veto power ka.

Ilaa iyo 128 dawladood ayaa ku gacan sayray go’aanka Maraykanka, halka sagaal dawladood ay taageereen Maraykanka, iyadoo ay 35 na ka aamuseen Abuukar Baale ayaa Farmaajo u sheegay in uu doorbidayo in uu shaqada ka tago intii uu damiirkiisa khiyaani lahaa oo uu qadiyada Falastiin ka hiilin lahaa.

Abdirahman Xuseen Mamaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
London-UK
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -