Ciraaq oo qaadeysa talaabo ka dhan ah ciidamada Mareykanka ee dalkeeda jooga

Ciraaq ayaa soo saartay digniin ku socota Maraykanka oo ay uga jawaabayso weerar xagga cirka ah oo gelinkii dambe ee Arbacadii ka dhacay magaalada Baghdad ee lagu  dilay taliye sare oo  ka tirsan maleeshiyada taageersan Iran Kataib Hezbollah.

Taliska howlgalka wadajirka ah ee Ciraaq ayaa ku tilmaamay weerarka mid gardarro ah oo cusub oo uu sameeyay Mareykanka, isagoo intaa ku daray in tallaabadan ay u dhaqmeen si ay u “waxyeeleeyaan dhammaan isfahamka” u dhexeeya Ciraaq iyo Mareykanka, sida lagu sheegay bayaan uu soo dhigay afhayeenka  Tahseen Al Khafaji.

Ciidamada qalabka sida ee Ciraaq ayaa sheegay inay ku qasban yihiin joojinta howlgalka Mareykanka ee Ciraaq, iyagoo tixraacaya weerarkii habeen hore Mareykanku ku qaaday baabuur marayay caasimadda Baqdaad, oo lagu dilay taliye sare oo ka tirsan maleeshiyada taageersan Iran ee Kataib Hezbollah .

“Mawqifkan ayaa ku qasbaya dawladda Ciraaq in ka badan sidii hore in ay joojiso hawshii isbahaysigan, taasoo noqotay arrin sabab u ah xasillooni darro, ciidamadeena hubaysan ma dayaci karaan waajibaadkooda dastuuriga ah iyo waajibaadkooda,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay ciidamada Ciraaq.

Ciraaq ayaa ku eedeysay Ciidamada Mareykanka iney  dil bareer ah ka geysteen bartamaha xaafad ku taal magaalada caasimadda ah ee Baqdaad, iyagoo aan tixgalin u hayn nolosha rayidka iyo shuruucda caalamiga ah.

“Falkan, ciidamada Maraykanku waxay halis gelinaysaa nabadda rayidka iyo madax-bannaanida Ciraaq, waxayna iska indho-tiraan badbaadada iyo nolosha muwaadiniinteena. Waxaa intaa ka sii daran in isbahaysigu uu si joogto ah uga weecdo sababaha iyo ujeedooyinka joogitaankooda dhulkeena,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Weerarkii ciidamada Mareykanka ee Arbacadii ka dhacay magaalada Baqdaad ayaa lagu dilay taliye Kataib Hezbollah oo mas’uul ka ahaa weerarrada ciidamada Mareykanka ee ku sugan gobolka, sida uu sheegay taliska dhexe ee Mareykanka.

Duqeyntan ayaa ku soo beegantay xilli Mareykanka uu qorsheynayay weeraro aargoosi ah oo ka dhan ah mintidiin ay taageerto Iran oo bishii hore diyaarad aan duuliye lahayn ku qaaday fariisin uu Mareykanka ku leeyahay dalka Urdun, kaasoo lagu dilay saddex askari oo Mareykan ah.

Mareykanka ayaa weerarkaas ku eedeeyay koox ay ku mideysan yihiin maleeshiyaad ay Iiraan taageerto oo lagu magacaabo Isbaheysiga Islaamiga ah ee Ciraaq

HOOS KA DAAWO SAWIRADA DUQEYNTII LAGU DILAY TALIYE KA TIRSAN Kataib Hezbollah

- Advertisement -