Daacish oo shaacisay in ay dileen dagaalyahano katirsan Al Shabaab

War kasoo baxay kooxda Daacish ee ka dagaalanta wadamo ay Soomaaliya kamid tahay ayaa lagu sheegay in dagaalyahanadooda ay dileen xubno katirsan Ururka Al Shabaab ee ku sugan Puntland.

Wakaaladda Wararka u faafisa  Daacish ee Acmaq ayaa baahisay in dagaalyahanada Daacish ay dileen xubno katirsanaa kooxda Al Shabaab oo ku sugnaa degaanka B’ir Mirali oo koofur Galbeed uga beegan degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Daacish ayaa sheegtay xubnaha katirsan Al Shabaab ee dileen in ay diyaarinayeen weerar ay kusoo qaadaan fariisimo ay leeyihiin dagaalyahanada Daacish ee ka dagaalama qeybo kamid ah deegaanada Puntland.

Kooxda Daacish ayaa la sheegay in ay billowday wax u muuqda jawaab falcelin u ah weerarrada  Al Shababa kala kulmaan, waxaana la sheegay in Shabaab marar badan beegsadeen xubno katirsan Daacishta Soomaaliya.

Maamulka Puntland ayaan ka hadlin dagaalkan la sheegay in duleedka Qandala ku dhax maray dagaalyahanada Al Shabaab iyo kuwa Daacish, waxa ayna Puntland dagaal kula jirtaa labada koox oo hada u muuqda kuwa iyagana is ugaarsanaya

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -