Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Mareykanka oo aqoonsaday doorashada Madaxweyne Qoor-qoor (Akhriso)

Dowladda Mareykanka ayaa war ka soo saartay doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa barteeda Twitterka ku soo qortay in Geedi socodka siyaasadeed ee Galmudug uu yahay bilowga dib u heshiisiinta Galmudug.

”Danjire Yamamoto wuxuu ugu baaqayaa qof walba inuu ku biiro wada hadal nabadeed isla markaasna laga fogaado qalalaasaha” ayaa qoraalka lagu yiri.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya danjire Yamamoto uu hambalyo u dirayo Madaxweynaha cusub ee Galmudug loo doortay Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) taasoo astaan u ah inuu Mareykanka aqoonsaday doorashadii Maanta ka dhacday Dhuusamareeb.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MARAYKANKA.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka maamulka Garaadka Macmalka ee ee AI

Cabdi Cade

Puntland oo dadkeeda ka mamnuucday nooc ka mid ah dharka la xirto (Sababta)

Caydiid Ali

Nin Watay Hargo Shabeel oo Xukun adag lagu riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---