Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Qaraxyo caawa ka dhacay bartamaha Boosaaso & Booliska Puntland oo ka hadlay

Labo qarax oo la sheegay in loo adeegsaday bam gacmeedyo ayaa caawa ka dhacay nawaaxiga Garoonka ciyaaraha magaalada Boosaaso.

Sidoo kale goobta bamka lagu tuuray ayaan wax badan ka fogeyn Hotel Jaabir oo ay ka socotay xafladda daahfurka diiwaangelinta doorashada oo beri lagu qabanayo Boosaaso.

Booliska Puntland oo War kasoo saaray weerarkan Bambaano ayaa sheegay in Koox qaswadayaal ah ay ka dambeeyeen, balse aysan geysan wax khasaaro ah.

“Taliska Ciidanka Booliska Puntland waxay ku wargelinayaa shacabka Magaaladda Boosaaso in abaare 8:20 PM fiidnimo caawa koox sharwadayaal ah ay Bambo-gacmeed ku tuureen agagaarka Garoonka Kubadda cagta ee magaaladda Boosaaso kaas oo aan wax khasaare ah geysan” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay Booliska

Booliska ayaa sheegay iney goobta gaareen ayna wadaan baaritaan ku saabsan kooxihii ka dambeeyey qaraxaas.

“Guud ahaan dadweynaha magaaladda Boosaaso iyo Puntland waxaanu ku wargelinayaa in cid walba falal amniga lid ku ah geysta gacanta lagu soo dhigayo, sharcigana ha hor-geyn doono” ayaa lagu soo gunaanaday qoraalka Booliska.

Xafiisaka Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Afar Wasiir oo looga yeeray Aqalka sare si wax looga weediiyo xaalad deg deg ah oo soo korortay

Cabdi Cade

Cabdiweli Gaas oo shaaciyay halka loo waday qeyb kamid ah lacagtii lagu qabtay Garoonka Muqdisho

Cabdi Cade

(Sawirro) Cali Guudlaawe oo Muqdisho soo gaaray iyo soo dhoweyntiisa oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---