Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo Shaaciyay magacyada iyo Sawirada Askartii duqeynta looga dilay

Saddex askari oo katirsanaa ciidamada Mareykanka ayaa lagu dilay weerar loo adeegsaday diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn oo lagu qaaday saldhig ciidamada Mareykanka ku leeyihiin dalka Urdun , gaar ahaan dhinaca xadka uu la wadaago dalka Syria.

Weerarkan ayaa dowladda Mareykanka ku eedeysay in ay ka dambeeyeen maleeshiyaad hubeysan oo ku sugan dalalka Syria iyo Ciraaq, Mareykanka ayaana sheegay in kooxdaasi taageero ka hesho dowladda Iran.

War kasoo baxay milatariga Mareykanka ayaa lagu shaaciyay magacyada iyo sawirada saddexda askari ee lagu dilay weerarka ka dhacay Urdun, waxa ayna Mareykanka ku hanjabeen in jawaab ka bixin doonaan dilka askartaasi.

Askarta weerarka looga dilay Mareykanka ayaa kala ah

1. Sgt William Jerome Rivers, oo 46 sano jir ah.

2. Specialist Kennedy Ladon Sanders, oo 24 sano jir ah iyo

3. Specialist Breonna Alexsondria Moffett, oo 23 sano jir ah.

Mareykanka ayaana isha lagu hayaa jawaabta ay ka biin doonaan weerarkan looga dilay saddexda askari tiro kale oo badana looga dhaawacay, Madaxweyne Joe Biden ayaana horey ugu hanjabay in jawaab deg deg ah ka bixin doonaan dilka askartooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Milatariga Isreal oo Gaza ku daadiyay Warqado codsi iyo ballanqaadyo isugu jira

Cabdi Cade

Macbad ay leeyihiin Hinduuga oo laga dhisay Magaalada Dubai iyo caro ka dhalatay

Caydiid Ali

Sheekh Shariif dhambaal u diray Axmed Madoobe ugana digay DFS in ay …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---