Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrimo muhiim ah kala hadlay Madaxweyne Azali Assoumani

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Roma ee caasimadda dalka Talyaaniga shir uga qeyb galaya ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha dalka Comoros, Azali Assoumani ahna guddoomiyaha Midowga Afrika.

Labada madaxweyne ayaa kulanka ay yeesheen uga wada hadlay arrimo badan oo muhiim ah ay kamid yihiin kor u qaadida xiriirka labada dal iyo xoojinta dedaallada iskaashi, si qaaradda Afrika ay u gaarto mustaqbalka horumar iyo barwaaqo.

Kulanka dhax maray Xasan Sheekh iuyo Azali Assoumani ayaa looga hadlay  in ay lama huraan tahay dhowridda madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dhammaan waddamada xubnaha ka ah Midowga Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaana la wadaagay guddoomiyaha Midowga Afrika sida dowladiisa uga soo horjeedo xad-gudubka dowladda Itoobiya, waxa uuna u caddeeyay in aysan marnaba Soomaaliya aqbeli doonin in taako dhulkeeda kamid ah la qaato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -