Madaxweyne Xaaf oo Eedeymo layaab leh u jeediyay Dowlada Federaalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa ku eedeeyay dowlada Federeaalka Soomaaliya in iyadu sabab u tahay colaado iyo dilal kala duwan oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano katirsan Galmudug.

Xaaf ayaa sheegay in sanadkii lasoo dhaafay deegaanada Galmudug ku yimid dib u dhac xoogan uu sheegay in ay sabab u tahay khilaafka ay abuurtay Dowlada Federaalka Soomaaliya .

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Galmudug Dilal saacadidihii lasoo dhaafay ka dhacay Degmooyinka , Balanbale ,Hobyo iyo Cadaado ay sabab u tahay dowlada Federaalka Soomaaliya, waxa uuna ugu baaqay dowlada Federaalka in ay umada u naxdo .

”Hada waxa Balanbale, Cadaado iyo Hobyo ka dhacaya waa ukumihii ay meesha dhigeen, ukumihii ayaa midbo maalin dilaaceysa asey bahalo kasoo baxayaan, waxaan leeyahay Dowlada Federaalka ilaah baan idinku dhaarshayee umadiina u naxa oo anaga noo naxa, ” Ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Xaaf khilaafka dowlada Federaalka iyo maamul goboleedyada in la qaban kare balse hada lasii fogeeyay, waxa uuna xusay hadii khilaafka fogaaday aan xal laga gaarin in bur bur ku imaan karo Soomaaliya oo dhan.

Hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Galmudug ayaa kusoo aadaya xili degmooyinka iyo deegaano katirsan Galmudug saacadihii lasoo dhaafay ka dhaceen dilal salka ku haya aanooyin qabiil, waxaana laga cabsi qabaa in dilalkaasi dagaalo isku rogaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -