Shirka Wadatashiga Dowlada iyo Maamul goboleedyada oo furmay (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta xarunta Madaxtooyada maamulka Galmudug ka furmay shirka Wadatashiga ay yeelanayaan Madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ka jira.

Madaxweynaha Dowlada  Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaana shirka gudoominayay, waxaana shirkan ka qeyb galay Ra’isul Wasaaraha iyo madaxda shanta maamul goboleed iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan ka furmay magaalada Dhuusomareeb ayaana diirada lagu saarayaa loogana doodayaa muranka ka taagan doorashada Soomaaliya, waxaana la filayaa madaxda shirka u socdo in ay si hoose uga wada hadlaan qodobada muranka ka jiro.

Dhinacyada shirka ka qeyb galaya ayaa u kala jabsan labo dhinac oo aragti ahaan iska soo horjeeda, Dowlada Federaalka iyo sadex kamid ah maamulada dalka ka jira iyo gobolka Banaadir ayaa isku mowqif ah halka Puntland iyo Jubbaland iyana isku aragti yihiin.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in shirkan maanta ka furmay  Dhuusomareeb uusan kasoo baxeyn natiijooyin wax ku ool ah, waxa ayna qabaan in shirkan rabitaanka madaxda shirsan uusan ku imaan balse ku dhashay cadaadiska beesha Caalamka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -