Madaxweyne kuxigeenka Mareykanka oo lagu sifeeyay in uu yahay Doqon

Waxaa mar kale dib u bilowday dagaalkii afka ahaa ee u dhaxeeyay dowladaha Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi, waxaana labada dhinac bilaabeen in hadalo adag Warbaahinta isku mariyaan.

Masuul sare oo katirsan Kuuriyada Waqooyi ayaa ku sifeeyay Madaxweyne kuxigeenka dalka Mareykanka Mike Pence in uu yahay Doqon, waxa uuna uga digay Mareykanka in ay lumiyaam fursada labada dhinac kuwada hadlayaan.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in marnaba aysan baryo u galeyn Wadahadalka Mareykanka, waxa ayna Xukuumada Pyongyang sheegtay in aysan Mareykanka ku qasbeyn wadahadalka loo balan sanyahay.

War kasoo baxa Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu sheegay in ay ka fiirsan doonaan hadii dowlada Mareykanka ku adkeesato in iyaga kaliya lagu qasbo ka tanaasulka hubkooda Nukliyeerka.

Madaxweyne kuxigeenka dalka Mareykanka Mike Pence ayaa Wareysi uu dhawaan bixiyay ku sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay ku dambeyn doonto Wadadii Liibiya oo kale ,hadalkan ayaana ka careesiiyay Dowlada Kuuriyada Waqooyi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -