Allbanaadir.com
NEWS

Dib-u-howlgelinta Sheybaarka Hubinta Tayada Dhismaha Muqdisho oo la Daah-furay

Guddoomiyaha gobolka Banaadir  Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay dib-u-howlgelinta sheybaarka hubinta tayada dhismaha dowladda Hoose ee Xamar, kaasi oo ay ka howlgali doonaan qubaro u dhashay Turkiya, si loo tayeeyo dhismooyinka  Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in waxii hada ka danbeeya la hubin doonno tayada dhisma wadaaga iyo qalabka dhismaha, asigoona sidoo kale sheegay in la hubin doonno aqoonta Injineerada, si loogu bad-baado dhibaatooyinka ka dhasha bur-burka ku yimaada guryaha  Muqdisho.

Sheybaarka hubinta tayada dhismooyinka ayaan horey uga jiray magaalada Muqdisho, waxa ayna keeneen dhismooyin badan oon horey tayadooda aan looga fekerin ay soo dumaan ayna ka dhashaan khasaarooyin kala duwan.

Munaasabadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee BFS, Madaxda Hey’adda TIKA, Agaasimeyaal iyo marti sharaf kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hay’adda Gift of the Givers oo 500 oo qoys kaalmo ugu qeybisay Belad-weyne (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh la wareegay Shaqadii Xafiiska Ra’isul Wasaare Xamse ?

Cabdi Cade

Dowlad Carbeed oo ka shaqeesay in Heshiis Xabad Joojin ah gaaraan Falastiin iyo Israa’iil

Cabdi Cade
Taboola Ads ---