Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo diiday ka qeyb galka Caleemo saarka Madaxweyne Deni

Magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland waxaa kusii qul qulaya wafuud kala duwan oo ka qeyb galeysa caleemo saarka madaxweynaha dib loo doortay ee maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxtooyada Puntland ayaa xaflada caleemo saarka Siciid Deni iyo kuxigeenkiisa ku casuumtay madax kala duwan uu ugu sareeyo madaxweynaha Soomaaliya, waxaa sidoo kale la casuumay madaxda maamul goboleedyada iyo madax kale oo hore.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in ka qeyb galka xaflada caleemo saarka madaxweyne Deni ay ka cudurtaarteen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Labadan masuul oo si gaar ah loogu diray casuumada xaflada caleemo saarka ayaa ka cudur daartay, waxa ayna sheegeen in xaalado jira owgeyd aysan kasoo qeyb geli karin xaflada Garawe ka dhaceysa.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo mar jaal dhaw ahaayeen madaxweyne Deni ayaa hadda u muuqda kuwa siyaasad ahaan kala tagay, kaddib markii Siciid Deni kasoo horjeestay in xilka Ra’isul Wasaaraha dalka la siiyay beesha Axmed Madoobe kasoo jeedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Labo tareen oo xooli ku socotay oo isku dhacay iyo dad ka badan 230 qof oo ku dhimatay

Cabdi Cade

Digniin adag oo laga bixiyey weeraro argagaxiso oo ku soo wajahan dalka Kenya

Caydiid Ali

Golaha Aqalka Sare ee Somalia oo war ka soo saaray kalfadhigiisii 4aad

Caydiid Ali
Taboola Ads ---