Taalo lagu xusayo qaraxii 14kii Oktoobar oo laga taagay Isgoyska Zoope (Daawo Sawirro)

Taallo loogu talo galay xuska dadkii faraha badnaa ee lagu xasuuqay qaraxii 14kii bishii Oktoobar ee sanadkii hore ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa laga taagay isgoyska Zoope.

Qaraxaas oo ahaa kii ugu weynaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo adeegsaday gaari xamuul ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey, waxaana ku dhintay dadka badan shan boqol halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Dowlada Somalia ayaa qorsheyneysa iney xus weyn oo sameyso Sanadguurada koowaad ee ka soo wareegtada qaraxaas oo ku beegan Ā 14ka bishan Oktoobar oo labo cisho ay naga xigto.

Shacabka magaalada Muqdisho oo weli quluubtooda aan ka goā€™in dhibaatadii ka soo gaartay qaraxaas ayaa si weyn u hadal haya taaladan, iyagoo isweydiinaya waxa ay soo kordhineyso taalo la dhiso mar haddii ay weli joogaan kooxihii geystay dhibaatadaas oo aan waxba laga qaban.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -